Dhawaan waxaa la filayaa in Ingiriisku noqdo dalka kaliya ee ku jira G7 ee waddamada horumaray oo aan lahayn warshad birta sanceysa. Ingiriiska oo hore dhan kasta uga dib-dhacay Yurubta sii liicaysa, dhan dhaqaale iyo dhan milateriba, ayaa markii warshaddaan albaabada la isugu dhufto waxa uu ku khasbanaan doonaa in uu biraha ka keeno dalka dibadiisa. Warshadda la xirayo xataa Ingiriisku ma laha oo waxaa leh shirkad Shiinays ah Ingiriiskana u aragta dal aan hormar ka soo socon oo aan lagu sii nagaan karin.
Isla ingiriiskaas dhan kasta maanta adduunka uga dib-dhacay ayaa hadda qarka u saaran in uu mar kale Soomaaliya kala dhantaalo marakanna u qaybiyo laba ama saddex dal, asaga oo dantiisu tahay sidii uu ula wareegi lahaa khayraadka ceegaaga Soomaaliya, meesha madaxda Soomaaliyeed ay ka rajo qabaan in Ingiriisku nabadda dalka daneynayo, dalkana hormar gaarsiin doono. Hore Ingiriisku waxa uu sannadkii 1963-dii NFD ka wareejiyey Soomaaliya kuna wareejiyey Kenya. Sannadkii 1897-diina waxa uu gobolka Ogaden ku wareejiyey boqortooyadii Menelik ee Itoobiya. Labada dhaxalwareejinba dadka iyo dawladda Soomaaliyeed midkoodna talo kuma lahayn.
Sida qormooyinkii hore ee Daljir (https://www.facebook.com/share/p/163V7xwdwW/) aan ku falaanqeynay, bangiyada Ingiriiska iyo kuwa reer galbeedka ayaa qarka u wada saaran in ay sallifaan, sida kaliya ee ay ku sii jiri karaana waa in dagaal weyni ka dhaco dunida si ay markaas qayb uga noqdaan maalgalinta hubka, ama in ay helaan khayraad dalal kale oo ay shirkadahooda ku maalgaliyaan. Sida hadda xaal yahay, waxay u dhowdahay dhanka dagaalka iyo dalalka yaryar oo madaxdooda la yeesho si ay dalka loo danleeyahay u soo xerogaliyaan.
Nala qaybso fiiradaada iyo falceliskaagaba.
> Daljir Media
COMMENTS