Wasaarada Arimaha Gudaha DFS: “Waxaan ugu baaqaynaa dhinacyada ay Doorashada quseyso in loo diyaar garoowo doorasho waafaqsan heshiiskii 17 Sebt 2020”

Wasaarada Arimaha Gudaha DFS: “Waxaan ugu baaqaynaa dhinacyada ay Doorashada quseyso in loo diyaar garoowo doorasho waafaqsan heshiiskii 17 Sebt 2020”

Warkan kasoo baxay Wasaarada arimaha Gudaha Federaalka iyo Dib uheshiisiinta DFS ayaa lagu sheegay in uu yahay mid lagu dhaqan galinayo go’aanka kasoo baxay xafiirka Ra’iisul Wasaare Rooble ee ah in la aado doorsho wdr ogol ah iyo heshiiskii Muqdisho.

WAR-MURTIYEED: Iyadoo Laga Ambaqaadayo Barnaamijka xukuumadda ee ku aaddan hirgelinta Dooorashooyinka Qaranka oo ay fulinteeda u xilsaarantahay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, Wasaaradda oo fulinaysa awaamiirta Wasiirka koowaad ee Xukuumadda Federaalka ee Soomaliya, waxay ugu baaqaysaa dhinacyada ay quseyso in ay bilaabaan dardar-galinta Nidaamka Doorashada Dalka ee uu saldhig u yahay hishiiskii 17 Sept 2020 ee lagu gaaray Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxay Wasaaraddu ugu baaqaysaa dhammaan daneeyayaasha doorashada dalka in ay u diyaar garoobaan doorasho jawi nabdoon ku dhacda, sida uu faray Wasiirka kowaad ee Xukuumadda Federalka Soomaaliya.

Akhriso.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com