Wasaarada Caafimaadka oo ka hadashay khatarta Cudur ku faafaya dalalka Afrika.

Wasaarada Caafimaadka oo ka hadashay khatarta Cudur ku faafaya dalalka Afrika.

Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji oo guddoomiyay kulan oo looga hadlayay ka hortagga iyo ka jawaabidda xanuunka Cudurka Furuqa oo Kusii faafaya qaar kamid ah dalalka Afrika.

Wasiirka ayaa Faray Mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha Wasaarada in ay diyaar garowaan marka ay jiraan xaaladaha deg deg ah .

Warka digniinta ee Wasaeaada Caafimaadka ayaa ku soo aadaya , Xilli Midowga Afrika uu ku dhawaaqay xaalad caafimaad deg deg ah oo qaaradda oo dhan ah, taas oo lagu xakameynayo faafitaanka cudurka furuqa daanyeerka ee Afrika.

Xarunta Xakamaynta iyo ka hortagga cudurada ee Afrika (Africa CDC) ayaa ku sheegtay heerka caabuqa fayraska ee faafitaanka uu ahaa mid naxdin leh, wuxuunna gaaray fayraskan 16 dal oo ka tirsan Afrika , tan iyo 4 bishan Agoosto, waxaa Afrika laga diiwaangeliyay 38,465 ee furuqa daanyeerka iyo dhimashada 517 tan iyo bishii Jannaayo.

Cudurka furuqa daanyeerka ayaa ah xanuun uu sababo fayras. Waxaa lagu kala qaadaa taabashada qofka qaba xanuunka. Waxaa sidoo kale la isugu gudbin karaa neefta. Calaamadihiisana waxaa ka mid ah nabro yaryar oo jirka kasoo baxa, dildillaac afka iyo xubinta taranka ah.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com