Wasaaradda Amniga oo sheegtay inay gacanta ku dhigtay nin rasaas u adeegsaday Banaanbaxayaal

Wasaaradda Amniga oo sheegtay inay gacanta ku dhigtay nin rasaas u adeegsaday Banaanbaxayaal

Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xundubey Jmcaale ayaa sheegay in la xirey nin ku hubeysnaa Bastoolad oo magaalada Muqdisho dhowaan ku rasaaseeyay dad dhigaayay banaanbax looga horjeeday Madaxweyne Farmaajo.

Xasan Xundubey Jimcaale Wasiirka Amniga oo wareysi siiyay laanta afka soomaaliga ee VOA ayaa sheegay in ninkaas hubeysnaa uu ka tirsan yahay Ciidanka dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa Booliska, isla markaana xiligii uu dadka rasaaseynayay inuu ahaa dharcad.

Wasiirka Amniga Xukuumadda ayaa sheegay in ninka xabadaha ku ridey dhalinyaradii banaanbaxayay uu haatan ku jiro gacanta dowladda, isla markaana sharciga la horgeyn doono.

“Horta ogow ninka hadda aad ka warrameysaan islamarkii waa lasoo xiray, waa nin la yaqaan booliska ayuu ka tirsanaa, dharcad ayuuna xirnaa. Sharciga ayaa la marsiinayaa, sharcigana cid ka weyn ma lahan, qaladkana waa dhacayaa, cid kasta ayuu ka dhacayaa. ninkaas waxaa laga qaatay go’aankii ku habboonaa,” ayuu yiri Xundubey.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com