Wasaaradda Cafimaadka DFS oo shacabka Muqdisho ugu baaqday in laga hortago faafida COVID-19

Wasaaradda Cafimaadka DFS oo shacabka Muqdisho ugu baaqday in laga hortago faafida COVID-19

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa ugu baaqday Bulshada in ay ka taxaddaraan faafitaanka Corona Virus oo mar kale laga cabsi qabo wareegiisii saddexaad in uu ka bilowdo Soomaaliya.

Qoraal ay Wasaaraddu ku daabacday boggeeda Facebook-ga ayaa lagu yiri:-

“Ka hortaga Caabuqa Covid-19 waa masuuliyada nawada saaran, fadaln ka ilaali naftaada, qoyskaaga iyo Bulshadaada Caabuqa Covid-19. Si aan uga hortagno faafidda Caabuqa Covid-19, dhamaanteen aa dhaqan galino talooyinka caafimaad ee ka hortaga Caabuqa Covid-19, sida ku cad jaantuska hoose.”

Kiisaska cudurka Karoonaha ee gobolka Banaadir ayaa sare u kacay todobaadyadii lasoo dhaafay iyadoona qeybo badan oo ka mid ah dunida wajigii Saddexaad ee cudurka Karoonaha si weyn looga dareemaayo.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com