Gaashaandhigga Mareykanka oo Fadeexad Dhex Dabaalanaya Kaddib Markii ay si Kama ah u Faafiyeen Qorshaha Dagaalka Yemen ayna ku Sheegeen inuu Yahay Qorshe ay Wataan Sucuudiga iyo Masar
Iyo Yemen oo jawaab kulul siisay Aljazeera
Fadeexad aan hore loo arag oo loo maqal ayey Wasaaradda Gaanshaandhigga Mareykanku dhexda u gashay kaddib markii koox uu ku jiro Wasiirka Difaaca iyo saraakiil sarsare oo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay aaladda ‘Signal’ ka samaysteen ‘group chat’ looga baaraandegayo qorshaha dagaalka Yemen.
Kooxda ayaa group chat-ka ku soo bandhigtay faahfaahin xasaasi oo ku saabsan duqeymaha dhanka cirka ah ee lala beegsanayo Yemen. Xogaha la isweydaarsaday waxaa kamid ahaa meelaha bartilmaameedka ah, hubka, iyo waqtiga la bilaabayo.
Laakiin kooxda qof kamid ah ayaa group chat-ka ku soo daray wariye Wargeyska The Atlantic. Wariyaha ayaa maanta xogihii la isweydaarsaday, wixii sir dawlo ah ma aha e, wixii kale bannaanka soo dhigay (halkan riix: https://www.theatlantic.com/…/trump…/682151/).
Waxyaalaha cajiibka ah ee wariyuhu kashifay, sawirka xogtana lifaaqa ku soo daray, waxaa kamid ahaa hadalo kulul oo lala beegsanayo Masar, Sucuudiga iyo Yurub. Hadalada ayaa u ekaa in Masar iyo Sucuudiga looga ceebqarinayo arrimaha Gaza, Sucuudigana loo sheegay in ceelashooda shidaalka loo ilaalinayo oo laga ilaalin doono duqeynta Yemen. Xogta waxa ay intaas ku sii dareysaa hadalo aflagaado ah oo ay la beegsanayaan Yurub, Sucuudiga iyo Masar ayaga oo leh, baad intee le’eg baan ka qaadeynaa markii aan badda u furno waxmatarayaashaan aan waxba oggolayn (freeloaders).
Aqalka Cad ayaa qiray fadeexadda dhacday, sheegayna in wixii hadda ka danbeeya la iska ilaalin doono isticmaalka aaladaha.
Sucuudiga iyo Masar wax jawaab ah weli ma aysan bixin.
Dhanka Yemen, Aljazeera oo waraysatay Maxamed al-Bahiti oo kamid ah saraakiisha Yemen ayey weydiisay, “Yemen maxay duqeynta u waddaa, ma Iran baad u shaqeysaan,” waxa uu ugu jawaabay, “Wixii dagaal ku haya [qolyahaas] saaxiib baan la nahay.”
Intaas kuma uu joojin Maxamed al-Bahiti ee waxa uu ku daray, “Horaa Nabigu (SCW) u sheegay Muslimiinta la yaqaan waxaa ka soo hari doona Yemen iyo Iran.”
> Daljir Media
COMMENTS