Wasaaradda Waxbarashada DFS oo Shaacisay Natiijada Imtixaanka Fasalka 12-aad ee 2024

Wasaaradda Waxbarashada DFS oo Shaacisay Natiijada Imtixaanka Fasalka 12-aad ee 2024

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha, iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u shaacisay natiijada imtixaanka fasalka 12-aad ee dugsiga sare ee sanad dugsiyeedka 2023-2024. Imtixaanka ayaa sanadkan waxaa u fariistay 36,034 arday oo ka kala yimid gobollada dalka, kuwaas oo si wadajir ah uga qaybgalay tijaabada lagu qiimeynayo heerka aqoontooda dugsiga sare.

Sida ay Wasaaraddu sheegtay, 33,668 ka mid ah ardayda imtixaanka gashay ayaa ku guuleystay inay baasaan, halka 2,366 ardayna ay ku dhaceen imtixaanka. Guud ahaan, natiijada ayaa muujinaysa in ay kor u kacday tayada waxbarashada, maadaama ay tiro badan oo arday ah u suurtagashay inay ka gudbaan imtixaanka iyagoo helay darajooyin wanaagsan.

Wasaaradda Waxbarashada ayaa sidoo kale hambalyo gaar ah u dirtay Zakariye Xuseen Maxamed Cismaan, oo ka soo baxay Gobolka Banaadir, gaar ahaan Dugsiga Al-Marwazi ee degmada Deyniile, kaasoo galay kaalinta koowaad ee imtixaanka. Zakariye ayaa helay darajada 89%, taas oo ka dhigtay midka ugu sarreeya dhammaan ardaydii imtixaanka u fariisatay sanadkan.

“Hambalyo, kaalinta 1’aad waxaa galay Zakariye Xuseen Maxamed Cismaan oo ka socday Gobolka Banaadir, Dugsiga Al-Marwazi Deyniile, waxa uuna helay darajo ah 89%,” ayaa lagu yiri qoraalka rasmiga ah ee ka soo baxay Wasaaradda Waxbarashada.

Wasaaradda ayaa u rajeysay dhammaan ardayda guuleysatay mustaqbal ifaya iyo guulaha waxbarasho ee heerka xiga, iyagoo ugu baaqay in ay sii wadaan dadaalkooda iyo kartida ay ku gaareen natiijadan sare. Waxaa sidoo kale loo dardaarmay ardayda aan ku guuleysan imtixaanka in aysan niyad jabin, balse ay sii dadaalaan si ay u gaaraan guulaha ay higsanayaan.

Natiijada sanadkan ayaa la filayaa in ay horseedo dhiirigelin dheeraad ah oo ku saabsan horumarinta waxbarashada iyo kor u qaadista tayada ardayda Soomaaliyeed, taasoo ah arrin mudnaan gaar ah leh oo ay dowladda iyo waalidiinta Soomaaliyeedba ka wada shaqeynayaan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com