Wasiir Beyle oo Doxa Kula Kulmay Wasiirka Ganacsiga Dalka Qatar

Wasiir Beyle oo Doxa Kula Kulmay Wasiirka Ganacsiga Dalka Qatar

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa magaalada Doxa ee xarunta Dalka Qatar kula kulmay Wasiirka Ganacsiga, ahna ku simaha Wasiirka Maaliyadda Dowladda Qatar Mr. Ali bin Ahmed Al-Kuwari, kaasi oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada Wasaaraddood.

Sidoo kale kulanka ayaa diiradda lagu saaray arimaha dib-u-habeynta Maaliyadda Soomaaliya iyo xiriirka dhaqaale ee labada Dal oo aad u wanaagsan, maadaama dowladda Qatar ay ka midahay Dowladaha Soomaaliya ka taageera kabka miisaaniyadda Dowladda.

Wasiir Beyle ayaa yiri ‘Waxa aan maanta magaalada Doxa kula kulmay Wasiirka Ganacsiga, ahna kusimaha Wasiirka Maaliyadda Dowladda Qatar Mr. Ali bin Ahmed Al-Kuwari, waxa aan ka wadahadalnay arimaha dib-u-habeynta Maaliyadda Soomaaliya iyo xiriirka dhaqaale ee labada Dal oo aad u wanaagsan”.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com