Wasiirka wasaaradda maaliyadda Xuluumadda Soomalaiya Biixi Iimaan Cige ayaa sheegay in cabashada ganacsatada Muqdisho aysan ahayn canshuur dheeraad ah oo lagu soo rogay, balse ay culeysyo ka muujiyeen lacago kale oo laga qaado.
Wasiirka ayaaTilmaamay in ganacsatadu ay bixiyaan canshuurta ku waajibtay, taasna aanu ka jirin wax caqabad ah, balse dowladdu ay ku hawlantahay in ganacsatada laga dul qaado culaysyada kale ee ay qabaan.
Biixi ayaa sheegay in wax badan oo ka mid ah caqabadaha ay ka cawdeen ganacsatada la xaliyey, oo uu la fariistay guddi ka socda Ganacsatada ,islamarkaana la doonayo ilaa heer xukuumadeed in cabashadooda la gaarsiiyo, si xal rasmi ah looga gaaro.
COMMENTS