Wasiir Fiqi: “Galmudug waxay xaqiijinaysaa Amniga degaanadii lagala wareegay Al-Shabaab”

Wasiir Fiqi: “Galmudug waxay xaqiijinaysaa  Amniga degaanadii lagala wareegay Al-Shabaab”

Wasiirka Amniga ee Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa shaaca ka qaaday in magaalada Camaara laga hirgelin doono adeegyada aas aasiga u ah nolosha, maadaama ciidamada ay dhawaan halkaasi ka saaren Al-Shabaab.

Wasiirka oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Camaara ee Koonfurta Gobolka Mudug, isla markaana hoostagta Degmada Xarardheere ayaa sheegay in ciidamadu ay ku guuleysteen xaqiijinta amniga, haatanna ay magaalada tahay mid nabdoon oo Nabadgelydeeda la isku haleyn karo.

Mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa xusay in magaalada Camaara laga hirgelin doona Saldhig boolis, xarumo caafimaad iyo Waxbarasho iyo waxyaabaha kale ee ay bulshada u baahantahay, maadaama Al-Shabaab ay kalhore baabi’iyeen goobihii bulshada loogu adeegi jiray.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com