Wasiir Fiqi oo Caddeeyey in RW Xamse Cabdi Barre uu Booqanayo Dawlad Goboleedka KMG ee SSC-Khaatumo
Farriin uu Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Wasiir Fiqi soo dhigay bartiisa X ayuu ku sheegay in booqashadani ay “astaan u tahay guul weyn oo taariikhi ah oo RW XFS uu noqonayo Ra’iisul Wasaarihii ugu horreeyay ee booqasho rasmi ah ku taga SSC-Khaatumo.”
Wasiir Fiqi ayaa qoraalkiisa sii raacshay, “Booqashadani waxay daliil u tahay midnimada iyo iskuduubnida ummadda, waxayna soo xidhaysaa cutubkii himilada goonigoosatada.”
> Daljir Media
COMMENTS