Wasiir katirsan xukuumada Puntland oo u geeriyooday Covid-19

Wasiir katirsan xukuumada Puntland oo u geeriyooday Covid-19

Alle ha u naxariistee waxaa magaalada Garoowe ku geeriyoodey Wasiir kuxigeenkii wasaarada Hawlaha guud iyo gaadiidka Puntland Asad Xuseen Xaashi oo sadexdii maalmood ee lasoo dhaafay aad ugu xanuunsanaa Garoowe.

Marxuumka ayaa shalay la dhigay qaybta bukaanada xaaladoodu culustahay ee Cusbitaalka isagoo naqaska lagu siinayey mishiinka dadka ka caawiya hawo qaadashada.
Saaka ayuu ku geeriyoodey Cusbitaalkii lagu dabiibayey iyadoo maanta la qorshaynayey in dalka dibadiisa loo qaado.

Qaar kamid ah hawlwadeenada caafimaad ee la tacaalayey xaaladiisa iyo Eheladiisa ayaa Daljir u sheegay in Marxuumku u geeriyoodey Xanuunka COVID19 oo mowjadiisa 4’aa si daran ugu faafayso Puntland.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com