Wasiir Ku eedeeyay Ciidamada Inay Lacago Baad ah ka Qaataan Gaadiidka Magaalada Muqdisho

Wasiir Ku eedeeyay Ciidamada Inay Lacago Baad ah ka Qaataan Gaadiidka Magaalada Muqdisho

Cumar Cali Rooble Wasiirka diinta iyo owqaafta oo ka hadlay kulan loogaga hadlayay ammaanka degmada Kaaraan ayaa ku tilmaamay sumcad darro inay u tahay ciidamada Dowladda Federaalka in qofkii wata mooto ama baabuur oo aan bixin ay dib u celiyaan.

“Goobaha hubinta Ciidamada amniga u xilsaaran ee jooga waxaa ka socda dhac dadban oo aan indhaha laga qabsan Karin, Gaadiidkii iyo weliba Mootadii aan lacag dhiibin magaalada uma gudbi karaan, telefoonka haddii aan lacag kusoo dhicin dib u laabo wax la aqbali karo ma aha waana in wax laga qabtaa” ayuu yiri Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta.

Isgoysyada magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku sugan ciidamo loogu talogalay inay amniga sugaan oo ay baaraan gaadiidka hase yeeshee waxaa ay ciidamadan ku qasbaan dadka wata baabuurta iyo mootooyinka inay bixiyaan lacago aan sharci ahayn.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com