Guud ahaan deegaamada Puntland waxaa maalintii 2aad oo xiriir ah ka socda imtixaanka shahaadiga ah ee fasalada 8aad iyo 12aad ee dugsiyada dhexe iyo sare ee Puntland oo ay sanadkaan u fariisteen ku dhowaad 13,000 (saddex iyo toban kun) oo arday.
Hadaba wasiir ku-xigeenka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowladda Puntland Dr Maxamed Cali Faarax oo maanta waraysi siiyey Idaacadda Daljir ayaa faahfaahin ka bixiyey qaabka Imtixaanku u socdo, xiriirka kala dhexeeya wasaaradda waxbarashada Soomaaliya iyon arrimo kale.
Cabdiraashiid Bashiir Maxamuud oo Garoowe jooga ayaa waraystay.
COMMENTS
masha alah imtixanka shahaadiga puntland si habsami ah buu uga socdA