Wasiirka Howlaha Guud Inj. Saalax Sheekh Cismaan ayaa maanta hadalkaas ka yiri shir jaraa’id oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda, xilligaas oo uu Wasaaradda booqday Maxamed Cali Faarax oo ah muwaadin u dooda xuquuqda dadka naafada ah ee Soomaaliyeed.
“ Bani aadamka Alle ayaa karaameeyay. In aan annaga karaameyn weyno waa wax aan fiicneyn. Waxaan farayaa dhamaan dadka iyo shirkadaha dhisanaya dhismayaasha guud iyo kuwa gaarka ah in ay sameeyaan meelaha dadka naafada ah ay ka gali karaan dhismayaasha sida kuwa danta guud, masaajidyada, musqulaha guud iyo xawaaladaha.” Ayuu yiri Inj. Saalax Sheekh Cismaan.
Dhanka kale, Maxamed Cali Faarax oo isaga shirka jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in dadka naafada ah ay qabaan dhibaatooyin fara badan oo ay kamid tahay in gurigiisa mooyee uusan dhismayasha ka helin musqul uu gali kale ama uusan sida dadka kale dursad u heli karin in uu meelo kamid ah goobaha dadweynaha geli karin.
Maxamed ayaa yiri “Markii aan arkay baahiyaha badan ee naafada heysato ayaa khasab noqotay inaan bilaabo olole aan xuquuqda dadka naafada ah ku raadinayo. Mararka qaar aniga oo magaalada jooga hadii aan u baahdo xaajo maleh musqul aan galano. Waa inaan gurigeyga kusoo xaajoodaa. Dadka naafada ah hadaan nahay waxaan codsaneynaa in xil la iska saaro xuquuqdeena. Naafanimada ma aha macnaheedu inaana waxba qabsan karin.”
Waxaa lagu qiyaasaa dadka naafada ah ee dalka Soomaaliya qiyaastii inta u dhaxeysa 12-20%.Sidoo kale wax ka yar 1% ayaa taga goobaha waxbarashada. Wasaaradaha ay khuseyso howlaha naafada ayaa sidoo kale laga dalbanayaa in ay u istaagaan wax kaqabashada howlaha naafada.
COMMENTS