Wasiirka amniga Galmudug oo la kulmay dhalinyaro dagaal la galay Alshabaab

Wasiirka amniga Galmudug oo la kulmay dhalinyaro dagaal la galay Alshabaab

Wasiirka Amniga Dowlad goboleedka Galmudug Mudane. Axmed M. Fiqi iyo Saraakiil uu hoggaaminayey oo ay kamid ahaayeen taliyaha Qeybta 21aad ee ciidanka XDS S/Guuto Khooje, taliyaha ciidamada Booliska Galmudug S/guuto Bishaar, taliyaha ciidamada Danab ee ku sugan Galmudug G/le Mukhtaar iyo saraakiil ka kala tirsan qeybaha ciidamada qalabka sida ayaa maantay booqasho ku tagay jiidda hore gaar ahaan aagga Tara-Guduud, Beer Cabdi Faarax, Galo, Faragoo, Beer Liiban Galle, Hog dugaag iyo Higlaale, waxaana lagu soo afjaray booqashadaas magaalada Gadoon oo bulshada lagula kulmay.

Deegaanadaas ayaa waxaa waayadan ka socday abaabul ay wadaan bulshada ku nool halkaas kaasoo looga soo horjeedo kooxaha Alshabaab oo dhibaatooyin ku haya dadka deegaanadaas deggan.

Wasiirka iyo taliyaasha ayaa jiidda hore kula hadlay dhallinyaro hubaysan oo ka dhiidhiyey dhibaatooyinka kooxda shabaab ay ku hayaan deeganadooda, diyaarna u ah In ay qeyb ka noqdaan dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com