Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta ka furmay kulanka baarlamaanka ee Soomaaliya, kaasi oo uu shir guddoominayo guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.
Wasiirka amniga Maxamed Abuukar Islow , taliyaha NISA Fahad Yaasiin iyo taliyeyaasha booliska iyo militariga ayaa goob joog ka ah.
Kulankan ayaa daba socday u yeeridda baarlamaanka ee hay’adaha amniga, kadib todobaadyo xiriir ah oo qaraxyo ay ka dhacayeen magaalada Muqdisho iyo dilal, kulamadii kan kahoreeyey ayaa u baaqday buuq ka jira baarlamaanka Soomaaliya iyo masuuliyiinta oo aan ajiibin u yeeriddii baarlamaanka.
COMMENTS