Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya oo booqasho ku timid Muqdisho

Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya oo booqasho ku timid Muqdisho

Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Raychelle Omamo ayaa maanta booqasho ku timid magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, kaasoo ah booqashadii u horreysay Diblomaasi sare oo ka socda Kenya ku yimaado Soomaaliya, tan iyo markii dib loo soo celiyay xiriirka labada dal.

Raychelle Omamo ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhoweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed C/risaaq iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Socdaalkeeda ayaa bilow u ah adkeynta xiriirka labada dal, isu socodka iyo iskaashiga, waxaana la filayaa inay la kulanto Ra’iisul Wasaare Rooble.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya ayaa warqad rasmi ah u sida Ra’iisul Wasaare Rooble oo lagu wado inuu Arbacada soo socota booqasho ku tago dalka Kenya.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com