Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo booqday Dhaawacmyo Masar la geeyey.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo booqday Dhaawacmyo Masar la geeyey.

Dadkaan oo qaba dhaawacyo kala duwan waxaa shalay Magaalada Muqdisho ka qaaday Diyaarad nuuca Militariga oo ay leedahay Dowladda Masar, waxa ayna keentay Deeq Dawo ah oo Dowladda Masar ka socotay.

Dhaawaca ayaa la dhigay isbitaal Dowladda Masar ugu tala gashay in lagu daweeyo, waxaana Maanta Booqday Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar oo kamid ahaa wafdigii Madaxweyne Farmaajo.

Yuusuf Garaad ayaa Masar ugu haray ka qeyb galka Shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda Wadamada ku bahoobay Jaamacadda Carabta.

Kolkii uu tagay isbitaalka waxa uu wareystay Bukaanada iyo qaar kamid ah Dhaqaatiirta Daweyneesa, Waxa uuna Dowladda iyo Shacabka Masar ugu mahad celiyey sida ay u garab taagan yihiin Dowladda iyo Shacabka Soomaaliya.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com