Wasiirka Arrimaha Dibadda Suuriya oo geeriyooday

Wasiirka Arrimaha Dibadda Suuriya oo geeriyooday

Telefishinka dowladda Suuriya ayaa shaaciyay goor hore oo maanta oo Isniinta ah, geerida Waliid Al-Mucallim, Ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Qurbajoogta dawladda Syria.

Wakaaladda Wararka Syria ee “SANA” ayaa soo qortay, “Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Qurbajoogtu waxay ka tacsiyeynaysaa geerida Walid Al-Macallim, Wasiirkii Arrimaha Dibadda.”

Al-Mucllim wuxa uu caasimadda Demishiq ku dhashay July 17, 1941, waxaana uu la wareegay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Suuriya bishii Febraayo 11, 2006, isagoo wax ku bartay iskuulada dowliga laga soo bilaabo 1948 ilaa 1960, markii uu ka qaatay shahaadada dugsiga sare Tartous.

Intaa ka dib, wuxuu ku biiray Jaamacadda Qaahira oo uu ka qalin jabiyay 1963 BA cilmiga dhaqaalaha iyo Sayniska, waxaana uu ka mid ahaa ragga tiir dhexaadka u ah maamulka Bishaar Al-asad

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com