Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland oo beeniyeey inay qayb ka yihiin shir ka dhacay Muqdisho

Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland oo beeniyeey inay qayb ka yihiin shir ka dhacay Muqdisho

Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo ka mid ahaa Guddigii farsamada Magaalada Baydhabo ee ka socday maamulka Puntland ayaa beeniyay war ay baahisay dowladda Soomaaliya ee ah in uu furmay Shirka.

Wasiirka waxaa uu sheegay in warka dowladda aysan waxba ka jirin, islamarkaana uusan jirin Shir ka furmay Muqdisho.

“Ma jiro wax shir wadatashi arrimaha doorashooyinka Soomaaliya ah oo wali ka furmay Mogadishu”ayuu yiri Wasiir Dhabancad.

Warbaahinta dowladd ayaa goordhow shaaciay in Muqdisho uu ka furmay horudhac u ah Shirka dowladda iyo maamulada qaar, kaasoo aan horay loo shaacin.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com