Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayaa ka hadlay Halku marayo hanaanka dib u heshinta Qaranka iyo Arrimo kale.
Wasiir Sabriye ayaa dhinaca hadlay arrimaha dib u heshiisnta waxaana uu wasiirku si gaar ah u xuusay in Wasaarddu heer gabao gabo ah ay marsiineyso diyaarinta hananaka dib u heshiisiinta Qaranka oo qeexaya habraaca loo marayo dib u heshiinta bulshada oo kamid ah waxyaabaha ay hiigsaneyso dowladda hada jirta ee uu hogaamiyo M/weyanaha Jamhuuriyadda mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Sidookale Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa sheegay in Wasaaradda iyo guud ahaan dowladaba ay ka go’an tahay hirgalinta dib u heshiisiinta ay u baahan tahay bulshada Soomaaliyeed iyadoo loo marayo wadadi saxda aheyd.
Wariyaha Radio Daljir ee Muqdisho Cabdulqaadir Irshaad ayaa Warbixintan Muqdisho kaso diray
COMMENTS