Wasiirka Cusub ee Gaashaandhigga Soomaaliya oo Xilkii kala Wareegay Wasiir TikTok
Waa se maxay sababta Wasiir TikTok looga wareejiyey Wasaaradda Gaashaandhigga?
Waxaa maanta xilka Wasaaradda Gaashaandhigga la wareegay Wasiir ahna Xildhibaan Jibril Cabdirashid Xaashi horena u ahaa Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha. Wasiir Cabduqaadir (Wasiir TikTok) Maxamed Nuur ayuu jagada kala wareegay, haddana ah Wasiirka Dekedaha.
Sida Daljir hore u soo warisay, Dawladda Mareykanka ayaa kalsooni xumo ka muujisay Wasiir TikTok una aragtay nin ka agdhow dawladda Turkiga, wargeysyada qaarna kuba eedeeyeen in uu yahay nin ka agdhow sirdoonka Turkiga. Intii uu wasiirka ahaa dawladda Mareykanku waxa ay jartay taageeradii Ciidamada Danab iyo waliba raashinka ciidamada, ayada oo saraakiisha sare ee ciidamada ku eedeysay musuqmaasuq iyo raashinkii ciidamada oo suuqa loo leexsaday.
Kulankii Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Madaxweyne Erdogan ee dhawaan ka dhacay Ankara ayaa lala xiriirinayaa in isbaddalkaan uu qayb ka yahay, ayada oo Wasiir TikTok ahaa masuulka kaliya ee Madaxweynaha shirkaas ku weheliyey.
> Daljir Media
COMMENTS