Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha oo Muqdisho kulan kula yeelatay Safiirka Qatar

Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha oo Muqdisho kulan kula yeelatay Safiirka Qatar

Magalada Muqdisho waxaa Maanta kulan ku yeeshay Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye iyo Safiirka Qatar u fadhiya Soomaaliya Danjire Xamsa Xasan Asad.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay arrimo ay ka mid ahaayeen sidii loo hormarin lahaa Cayaaraha Soomaaliya iyo Dhalinta iyo sidii dowladda Qatar kaalin weyn uga qaadan laheyd sida ay sheegtay Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

“Waxaan saakay la kulmay danjiraha dowlada qadar u jooga soomaaliya amb.xamze waxaana ka wada hadalnay sidii loo horumarin lahaa sports-ga soomaaliya iyo dhalinta wuxuuna ahaa kulan lagu lafa-guray qaabka ugu haboon ee loo horumarin karo inshaa allaahu.

Dowladda Qatar ayaa waxaa ay saaxiib dhow la tahay Madaxda sare ee dalka ,waxaana dowladda Soomaaliya ay ka taageertaa arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Amniga iyo Ciidamada , iyada oo dhowr jeer Gaadiid ay ku jiraan kuwa dagaalka ugu deeqday.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com