Wasiirka Gaashaandhiga Somalia oo Qaahira kula Kulmay Saraakil Masaari ah

Jariiban, 27, March, 2016-(Daljir)_Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa soo gunaanaday booqasho afar casho ah oo uu ku joogay Masar, taasoo uu kaga qayb-galayey shirka dalalka Isu-tagga Saaxil iyo Saxaraha oo ka dhacay Qaahira.
 
Inuu shirku socday ayuu Jen. Diini kulammo la qaatay Wasiirro dhiggiisa ah oo ka socday dalalka Saaxil iyo Saxahara, oo uu ugu horreeyo dhiggiisa Masar, Sadqi Subxi iyo taliyaha ciidamada Masar, Maxamuud Hagaasi.
 
Warbixin laga soo saaray shirka, ayaa lagu sheegay dhismaha saldhig dhexe oo isku dubba-ridda hawlaha la dagaallanka argagaxisada, oo looga dhigayo saldhig dalka Masar. Sidoo kale, waxaa dalalku ku heshiiyeen dhismha Gole Wasiirro oo rigli ah oo qaabilsan nabadda iyo ammaanka mandiqaddan.
 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com