Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Puntland, Mudane , oo ay weheliyaan xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Dowladda Puntland, Agaasimayaal Guud, iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Boosaaso, ayaa si rasmi ah u daahfuray Xarunta Wasaaradda Warfaafinta ee qaybta Gobolka Bari oo dib u dhis lagu sameeyay.
Munaasabadda furitaanka waxaa ka qayb galay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland, Mudane Maxamed Faarax Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Puntland, Mudane Cabdifitaax Maxamed Nuur, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland, Mudane Maxamed Jaamac (MJ) ,Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga Dr Cabdirisaaq Cabdulaahi Xagaa ,Agaasimaha Guud eee Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Puntland Maxamed Ciise Cusmaan iyo Maareyaha Guud ee Shirkadda Isgaarsinta Somtel Xasan Rashiid Xuseen oo shirkadda qalabaynta iyo dib u dhiska ku sameysay Xarunta Wasaaradda Warfaafinta qaybteeda Gobolka Bari.
Munaasabadda waxaa hadallo soo dhaweyn ah ka jeediyay Isuduwaha Wasaaradda Warfaafinta ee Gobolka Bari, Mudane Shucayb Yuusuf Ciise, iyo Agaasimaha Waaxda Isgaarsiinta ee Wasaaradda Warfaafinta, Mudane Maxamuud Warsame (Fuube). Labada masuul ayaa si qoto dheer uga hadlay dadaalka lagu tayeynayo adeegyada warfaafinta ee gobolka iyo sida loo xoojinayo awoodda Wasaaradda ee la jaanqaadaysa casriga.
> Daljir Media
COMMENTS