Wasiirki Waxbarashada Jubbaland oo geeriyooday iyo Madaxweyne Deni oo ka hadlay

Wasiirki Waxbarashada Jubbaland oo geeriyooday iyo Madaxweyne Deni oo ka hadlay

Wasiirkii Waxbarashada ee maamulka Jubaland, Macalin Maxamed Ibraahim ayaa geeriyooday Sidda ay Xaqiijiyeen Masuuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland.

Bilihii lasoo dhaafay ayuu xanuunsannaa Waxaana uu ku geeriyooday dalka Hindiya oo horay loogu qaaday Xaalad Caafimaad.

Dhinaca kale Puntland ayaa ka hadashay geerida AUN Wasiirka

Madaxweynaha Puntland oo Ka Tacsiyeeyey Geerida Wasiirkii Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jubbaland Macalin Maxamed Ibraahim.

Madaxweyne Deni “Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun.

Waxaan uga tacsiyaynayaa ummadda Soomaaliyeed, Dowladda iyo shacabka Jubbaland, eheladii, qaraabadii iyo qoyskii uu ka baxay Alle ha u naxariistee marxuum Wasiirkii Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jubbaland Macalin Maxamed Ibraahim oo ku geeriyoodey dalka Hindiya. Marxuumku waxa uu dalkaasi u tegey xaalad caafimaad.

Waxaan dareenka tiiraanyadaasi la wadaagayaa masuuliyiinta Jubbaland oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan, qoyskiisii, eheladii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka tegey Marxuumku, Rabbi samir iyo iimaan haynaga-siiyo dhammaanteen, wuxuu ahaa masuul Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaan Alle u waydiinayaa marxuumka inuu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro, kuna abaalmariyo Jannatul Fardawsa.”

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com