Lix qof ayaa ku geeriyooday iyo dhaawaca shan qof, kadib weerar hubaysan oo xalay lagu qaaday gaari ay la socdeen haween iyo caruur ah qoys reer guuraa oo marayay deegaanada Teedaan iyo Baanyaaley ee gobolka Hiiraan.
Weerarkan khasaaraha gaystay ayaa dadka ku geeriyooday waxaa la dhigay isbitaal ku yaala degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.
Qoyska la weeraray oo ahaa reer guuraa ayaa kusii jeeday dhul roob uu ka da’ay, iyadoo abaar darran ay kajirto qaybo badan oo ka mid ah gobolada dalka, waxaana dadka qaarkood ay ku sheegeen inuu ahaa arrimo salka ku hayay aanooyin qabiil oo hore.
COMMENTS