Wefti hordhac u ah safarka Raisalwasaare Xamse oo gaaray Laascanood

Wefti hordhac u ah safarka Raisalwasaare Xamse oo gaaray Laascanood

Laascaanood | Wefti hordhac ah oo ka yimid magaalada Muqdisho ee Caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo gaadhay magaalada laascaanood ee caasimadda Maamulka SSC-Khaatumo. Weftiga ayaa ka kooban siyaasiyiin, Xildhibaano, agaasimeyaal iyo fannaaniin.

Weftigan ayaa hordhac u ah wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo Reysal Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo maalmaha nagu soo aadan soo gaadhi doono magaalada Laascaanood ee caasimadda Maamulka SSC-Khaatumo.

Dadweynaha reer SSC iyo Maamulka SSC-Khaatumo ayaa si weyn ugu diyaarsan inay si weyn u soodhoweeyan RW Xamse iyo weftigiisa.

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com