Kismaayo, Nov 07 2016–Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa shaaca ka qaaday in shirkii dhowaan kadhacay wadanka Imaaraadka wajigiisa labaad uu dhowaan ka furmi doono magaalada Kismaayo.
Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in 20 bishaani magaalada Kismaayo uu kadhacayo wejiga labaad ee shirkaasi inkasta oo uusan carrabaabin qodobada looga hadli doono inta uu socdo.
Dhanka kalena madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland ayaa si kulul uga hadlay dagaalka kasocda magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug, isagoona xusay inay ergo dhexdhexaadin ah u diri doonaan.
COMMENTS