Wiil Dhalinyaro ah oo ay Ciyaal weero kudileen Muqdisho

Wiil Dhalinyaro ah oo ay Ciyaal weero kudileen Muqdisho

Kooxo la sheegay inay ahaayeen Ciyaal weero ayaa xalay waxaa ay degmada Dharkeenleey ee Gobolka Banaadir kudileen wiil dhallinyara ah, iyaga oo goobta ka baxsaday.

Marxuumka oo lagu magacaabijiray Ciise Sheekh Ibraahim ayaa dilkiisa ay Ciyaal weerada u adeegsadeen Toorey xilli uu marayay inta u dhexeysa Dabaqeenka iyo Suuq liif ee degmada Dharkeenleey.

Ciidamo katirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo ehelkiisa ayaa tegay goobta uu falka ka dhacay, iyaga oo Xarunta Hay’adda dambi baarista ee CID-da geeyay meydka Wiilka yar ee toireeyda lagu dilay.

Waalidiinta Marxuum Ciise Sheekh ayaa dalbaday in Cadaalad loo helo dilka Wiilkooda, iyaga oo sheegay in Ciyaal weero ay dhibaato kuhayaan Shacabka Gobolka Banaadir gaar ahaan dadka kunool degmada Dharkeenleey.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com