Wiil uu dhalay hogaamiyihii Alqaacida Osama Bin Laden oo fariin u diray reer galbeedka.

(July 11 2016)-Xamsa Osama Bin Laden, oo ah wiil uu dhalay hogaamiyihii urur weynaha Alqaacida Osama Bin Laden, ayaa soo diray farriin kulul oo uu dowladda Maraykanka iyo xuluufadeeda ugu eedaynayo inay ka dambeeyaan dhibaatada kajirta dunida Islaamka iyo xansuuqa Muslimiinta.

Farriin ka koobnayd 21-daqiiqo oo uu baahiyey ururka Alqaacida ayaa waxaa Xamsa Osama Bin Laden , uu hanjabaad culus ugu diray Maraykanka iyo reer Galbeedka isagoona sheegay inay Muslimiinta uga aargoyn doonaan.

Xamsa Osama Bin Laden, ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan dagaalka ka dhanka ah Dowlada Mareykanka iyo xulufadiisa, waxa uuna tlmaamay in weeraro ay ka geesan doonaan gudaha dalka Mareykanka.

Ugu dambayntiina wiilkaan uu dhalay hogaamihii hore ee Alqaacida ayaa Dowlada Mareykanka ku eedeeyey in ay dad badan oo muslimiin ah ay ku dishay Wadamada Soomaaliya, Ciraaq, Siiriya ,Afgaanistan iyo Wadamo kale .

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com