William Ruto oo ku taageeraya Raila Odinga Jagada Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika

William Ruto oo ku taageeraya Raila Odinga Jagada Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika

Madaxweynaha Kenya, William Ruto ayaa xarunta madaxtooyadda Kenya ka daahfuray ololaha ay Kenya ku raadinayso Xilka guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika oo uu u sharraxanyahay Raila Odinga.

Munaasabadda , ayaa waxaa goobjoog u ahaa inta badan hoggaamiyayaasha bariga Afrika oo ay ka mid yihiin Samia Suluhu (Tanzania), Yoweri Museveni (Uganda), Salva Kiir (South Sudan), iyo Ra’iisul Wasaaraha Burundi, Gervais Ndirakobuca.

Madaxweyne Ruto, ayaa munaasabadda ka sheegay inuu casuumay Madaxweyne Xasan Sheekh si uu uga soo qaybgalo daahfurka ololaha musharraxnimada jagada guddoomiyaha Midowga Afrika ee Raila Odinga, oo ay taageerreen hoggaamiyayaashii ka qeybgalay munaasabada, balse Madaxweyne Xasan oo casuumada aqbalay ayaa shalay Ruto u sheegay inuusan imaan karin , isagoo raalli gelin bixiyay, sida u sheegay William Ruto.

Dhinaca kale Soomalaiya oo musharrax ay u ahayd Fowsiya yuusuf Xaajo aadan ayaa isaga hartay tartanta, ka dib cadaadiska dhinaca Madaxda Dawlada Soomaaliya uga yimid oo ay dawlada Soomalaiya taageerrayso Wasiirka Arrimaha dibadda Jabtuuti Maxamuud Cali Yuusuf , oo u tartamayo jagada Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika , iyadoo musharraxnimada Jabuuti la sheegay inay ka dambeysay inay tartanka isaga harto Fowsiyo Yuusuf Xaaji, oo markii hore ay Soomaaliya u gudbisay inay jagadaa usoo sharraxeen.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com