Wufuud uu kamid yahay Madaxweynaha Jabuuti oo kusoo wajahan Muqdisho

Wufuud uu kamid yahay Madaxweynaha Jabuuti oo kusoo wajahan Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta booqasho rasmi ah uga billaabaneysaa caasimadda dalka ee Muqdisho.

Qabanqaabada soo dhaweynta Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa si weyn looga dareemayaa caasimada dalka iyada oo aad loo adkeeyay ammaanka.

Hay’adaha ammaanka ayaa xanibay isku socodka Gaadiidka noocyadiisa kala duwan ee waddooyinka qaar ee Muqdisho halka meelaha qaar dadka loo diidayo xataa inay lug ku maraan.

Sidoo kale wararka la helay ayaa sheegaya in Muqdisho ay imaanayaan Madaxweynaha dowlad degaanka Mustafe Cagjar iyo Wasiirka Gaashaandhigga Kenya Aadan Barre Ducaale, waxaana Madaxdan ay ka qeyb galayaan xarig jarka Xarunta Akeedamiyada Farta Soomaaliga oo ay dhistay dowladda Jabuuti.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com