Madaxwaynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) ayaa kulan la yeeshay golihiisa wasiirada ee maamulka.
Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha ammaanka deegaamada Jubland, waxaana madaxwaynuhu uu go’aamiyay bandow lagu soo rogay xaafad kamid ah magaalada oo uu ku yaalo taliska ciidamada nabad sugidda Jubaland, waxaana la mamnuucay habeenkii in lasocdo.
Madaxwanaha Jubaland ayaa sidoo kalle sheegay in la xiray ciidamo katirsan daraawiishta Jubaland, kuwana la raadinayo, isagoona ku eedeeyey weerarkii kadhacay xarunta nabad sugidda ee maamulka Jubaland ee magaalada Kismaayo inay iyagu qaadeen.
Diiwaanka wararka
Daljir.com
COMMENTS