XAALAD DHAQAALE OO SOO WAJAHDAY BANGIGA HORUMARINTA AFRIKA (AFRICAN DEVELOPMENT BANK AfDB)

XAALAD DHAQAALE OO SOO WAJAHDAY BANGIGA HORUMARINTA AFRIKA (AFRICAN DEVELOPMENT BANK AfDB)

XAALAD DHAQAALE OO SOO WAJAHDAY BANGIGA HORUMARINTA AFRIKA (AFRICAN DEVELOPMENT BANK AfDB)

Wararka ka soo baxaya Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa sheegaya in Trump uu qorsheynayo inuu jaro nus bilyan USD ($555 milyan) maalgalintiisa sanduuqa horumarinta ee Bangiga Horumarinta Afrika (African Development Fund AfDB). Arrinkaan ayaa qayb ka ah go’aanada Trump ee lagu dhimayo gargaarka dibadda.

Mareykanka ayaa bilaabay maalgalinta Bangiga sannadkii 1976, waana saamilaha labaad ee ugu saami badan badan Bangiga, meesha Nigeria ka tahay kaalinta koowaad, Masar ayana ay tahay kaalinta saddexaad.

Dhaqaale xumida iyo dagaalada reer Galbeedka ayaa sababay in gargaarkii Afrika la dhimo. Bangiga AfDB oo miisaaniyadiisa sannadlaha ee 2026-2028 ku sheegay in uu ku talogalay $25 bilyan USD ayaa qorshaha Mareykanku meesha ka saarayaa maagalintii Mareykanka ee Bangiga Horumarinta Afrika. Maalgalinta Midowga Yurub ayaan waxba iska badalin, laakiin dhaqaale-xumida Yurub soo wajahday darteed, lama saadaalin karo timaadada maalgalinta Yurub ee AfDB.

Soomaaliya oo dhan kasta maanta uga tiirsan gargaarka reer Galbeedka ayaan weli wax qorshe ah miiska soo saarin oo ku aaddan sidii laga yeeli lahaa haddii la gooyo dhammaan gargaarka dibadda, amaba miisaaniyad loo waayo mashruuca nabad-ilaalinta ee ciidamada Afrika.

> Daljir Media

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com