Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa xaqiijisay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay xanuunka Karoona ka bogsoodeen 15 qofood taaso oo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigeysa 178 oo ka dhigan inay xanuunka ka reysteen ku dhawaad 12% dadkii uu feyrusku haleelay.
Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in la diiwaan geliyay 47 xaaladood oo kala jooga Puntiland, 19 gobalka Banaadir 13, Somaliland 8 iyo Koonfur Galbeed 7. Xaaladaha cusub 42 kamid ah waa rag, 5 kalana waa haween. 1,502 xaaladood oo COVID-19 ah ayaa guud ahaan dalka laga diiwaan geliyay.
Laba ruux ayaa cudurka COVID19 ugu geeriyooday Somailand iyo gobalka Banaadir waxaana tirada guud ee geeridu noqotay 59.
Dowladda ayaa wadda dadaallo xooggan oo looga hor tegayo, laguna xakameynayo faafitaanka Feryruska karoona, laguna yareynayo saameynta uu bulshada ku yeelanayo, waxaana dhaqan galay amarro dowladdu soo rogsay si loogu guuleysto qorshaha xakameynta iyo sare u qaadidda bed-qabka bulshada.
COMMENTS