XAALKA ADDUUNKA OO MEEL DARAN KA DEGANAYA & SAAMEYNTA SOOMAALIYA

XAALKA ADDUUNKA OO MEEL DARAN KA DEGANAYA & SAAMEYNTA SOOMAALIYA

XAALKA ADDUUNKA OO MEEL DARAN KA DEGANAYA & SAAMEYNTA SOOMAALIYA

Qiimo dhaca doolarka oo ka sii daraya; Ruushka oo NATO uga adkaaday Ukraine; Mareykanka & Israal oo weerarkii labaad oo Iran u diyaargaroobaya; iyo waliba Shiinaha iyo Mareykanka oo dagaal bilow ah ka dhex biloowday kaddib markii Mareykanku qafaashay markabkii labaad oo Shiinaha ee saliida qaada iyo kii 3aad oo carar ah oo uu hadda ku dabajoogo

Dalka Mareykanka iyo badi reer Galbeedka waxaa ka taagan jaahwareer siyaasadeed iyo mid dhaqaale. Jaahwareerka ayaa taariikhyahanadu u sababaynayaan gabaldhaca quwadii weyneyd ee Mareykanka oo hadda u muuqata mid qaadeysa jidkii ay hore u qaadeen quwadihii hore, sida kuwii Ingiriiska, Faransiiska iyo Jarmalka. Tusaalayaasha badi aqoonyahanku soo qaato ayaa ah in wixii ka danbeeyey dagaalkii 2aad ee dunida, dhammaan wixii uu Mareykanku dunida dagaal galay, laga soo bilaabo Kuuriya iyo Vietnam, ayna ugu danbeeyeen Ciraaq iyo Afqanistaan, dhammaantood looga adkaaday Mareykanka iyo reer Galbeedka.

Intaas waxaa ka sii daran in saddexdii sano ee ugu danbeysay uu qiimaha doolarku aad u wiiqmay oo celcelis ahaan $50kii doolar ee shalay ay lamid tahay $100ka maanta, haddii aysan kaba sii liidan. Waxaa kale oo la saadaalinayaa in labada sano ee soo socota uu doolarku aad u qiimo beeli doono. Tusaale waxaa kuugu filan oonsigi dahabka ee sannad kahor joogay $2000 USD maanta wuxuu joogaa $4500 USD. Onsigii Qalinka (Silver) asna sannad kahor wuxuu ahaa $30, maantana wuxuu cagacageynayaa $70. Ogoow 1 onsi waxba iskama badalin oo waa isla hal onsigii, kaliya waxaa qiimo dhacay doolarkii.

Ayada oo xaalka Mareykan halkaas marayo, ayaa haddana Mareykanku asaga oo isticmaalaya xulufadiisa, siiba Israal iyo Yurub, wuxuu wadaa haddana bilaabayaa dagaalo horleh oo ay kamidyihiin Venezuela, Iran, Nigeria, iyo Shiinaha. Dhammaan dagaaladaas Mareykanku wuxuu u galayaa si toos ah iyo si dadban oo dhanka argagixisada ah iyo dhanka dawlad baddalka iyo kacaanka midabada badan (Color Revolution).

Dhanka Venezuela, Mareykanku wuxuu wadaa khidadii ahayd laba shimbirood hal dhagax ku dil. Waa mar e hareeree Venezuela oo markab shidaal yuusan soo galin midina ka bixin. Dagaalka Venezuela mar waa in la rido dawladda Venezuela oo ah dawlad taabacsan Ruushka, Iran iyo Shiinaha, lana saaro mid taacabsan Israal iyo Mareykanka. Waa mar kale e waa in Shiinaha laga joojiyo saliida Venezuela oo Shiinuhu qaato ku dhawaad 90%. Waa qayb kamid siyaasadda Mareykanku hore u shaaciyey oo dhigeysa in dagaalka Shiinaha lagu bilaabo bad xiran oo Shiinaha laga xiro adduunka intiisa kale.

Dhanka Iran, waxaa 28ka bishaan Washington DC markii 4aad imaanaya Netanyahu, qorshihiisuna sida warbaahinta reer Galbeedku qorayso waxba kama duwana kuwiisii hore, oo waa la tashi nidaamkii Mareykanku uga qayb noqon lahaa dagaalka Iran, qaybtiisa labaad.

Mareykanka la’aantiis Israal maalin weerar ma qaadi karto maxaa yeelay Mareykanku wuxuu si buuxda Israal uga taageeraa dhanka ISR (Intelligence, Surveillance & Reconnaissance) iyo waliba qalabka lagama maarmaanka u ah difaaca hawada iyo gantaallada, iyo diyaaradaha shidaalka siiya diyaaradaha dagaalka Israal. Taas macnaheedu waxaa weeye in Israal aanay Mareykan la’aantiis tallaabo dagaal qaadi karin. Sida Israa’iil ay wakiil ugu tahay Mareykanka ayaa Ukraine iyo Yurub ayana wakiil uga yihiin Mareykanka oo dhankooda ka wadaan dagaalka Ruushka.

Dhammaan qorshayaasha dagaalka Mareykanku ma aha kuwo hadda la hindisay ee waa kuwo hore loo daabacay, la saxiixay oo si guud loo soo bandhigay, waxaana sannadkii 2009 lagu soo bandhigay Hay’adda Brookings Institution. Brookings sannadkii 2009 ayey si faahfaahsan u qeexday sida Israa’iil uu Mareykanku u adeegsan doono in ay weerarto Iran, taas oo Mareykanka u sahlaysa in uu ka fogaado aargudashada Iran iyo duqeynta saldhigyadiisa Bariga Dhexe. Brookings waxay si toos u qeexday in “Mareykanku uu ku dhiirrigelin doono, kana caawin doono in Israal ay dagaalka bilowdo si Mareykanka looga leexiyo indhaha caalamka oo aan loo dhaleeceyn, Iran ayana aysan Mareykanka uga aargudan.”

Brookings Institution waxay kale oo ay qeexday in Mareykanku uusan wada xamili karin dhammaan culaysyadaas, sidaas dartees uu adeegsan doono, culayskana la wadaagi doono saaxiibadiis oo Yukrayn iyo Midowga Yurub waa wakiilada Mareykanka ee Yurub waxayna fulinayaan qorshaha ka dhanka ah Ruushka. Japan, Koonfur Kuuriya, Taiwan iyo Filibiin waa wakiiladiisa Aasiya‑Baasifigga waxayna fulinayaan qorshaha ka dhanka ah Shiinaha. Israa’iil, Turkiga, iyo dalalka Khaliijka ee Sacuudiga, Qadar iyo Imaaraadka ayana waa wakiiladiisa Bariga Dhexe oo waxay fulinayaan qorshaha Bariga Dhexe iyo dalalka la dariska ah sida Soomaaliya.

Isku soo wada xoori oo qorshaha dagaal ee Mareykanku doonayo si uusan u wiiqmin quwad ahaan waa mid lamid ah kii quwaddii Ingiriisku adeegsaday waagii gabbal-dhaceeda, waxna uma tarin in uu gabbaldhaca soo dadajiyo ma aha e. Laakiin baqdinta ugu weyni waa dagaalkii 3aad oo si toos ah u bilowda kabacdi markii doolarka Mareykanku qiimo dhaco dhammaadka sannadka danbe, waa sida la saadaalinayo e. Yurub oo dhaqaale ahaan ayadu aad Mareykanka uga liidata waaba cadeysatay in ay Ruushka dagaal ku qaadayaan inta u dhexaysa 2028 illaa 2030.

Haddaba qorshaha Mareykanku saameyn intee le’eg buu Soomaaliya ku yeelan karaa? Sida warar kaladuwan qorayaan, Mareykanku waxa uu saldhigyo ka sameysan doonaa Berbera iyo Bossaso, waxa uuna markale boorka ka jafi doonaan xiriirkii Itoobiya, taas oo la filayo in Itoobiya oo fulinaysa danaha Mareykanka iyo Israal, la sheegayna in ciidamo kor u dhaafaya 30 kun ay Israal u diyaarisay, waxaa loogu abaalgudi doonaa xeebta Saylac. Abaalgudka Itoobiya waxaa hordhac u ahaa dadka deegaanka oo qabiil qabiil la isaga horkeeno iyo maamulka Hargeysa oo lagu maaweeliyo aqoonsi aan jirin, si ciidamada Itoobiya u soo galaan Awdal, ayaga oo kala dhexgalaya qabiilada isleynaya. Qorshaha Itoobiya ayaa la saadaalinayaa in uu nabad ilaalin ku bilaabmi doono, kuna dhammaan doono Addis oo toos ula wareegta Awdal.

Saameynta Soomaaliya intaas kaliya ma aha e oo haddii dagaal ka bilowdo Badda Hindiya iyo Badda Cas, Soomaaliya waxaa soo foodsaaraya cunto iyo shidaal la’aan, iyo waliba bangiyada oo xirma, qiimo-beelka doolarka darti. Haddaba maxaa qorshe u ah ganacsatada, maamulada iyo shacabka Soomaaliyeed?

Nala qaybso fiiradaada iyo falceliskaagaba.

> Daljir Media

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com