Abiye Axmad waxa uu maleegayaa, dhawaana la filayaa in uu ku dhawaaqo qorshe cusub. Qorshuhu waa xabbad-joojin uu rabo in uu la galo Ururka Axmaarada ee FANO asagoo codsigiisa sii marinaya Maamulka Deegaanka Amxaarada, ballanqaadayana inuu siidaayo dhammaan maxaabista u xidhan (Political Prisoners). Illaa muddo dhow Abiy wuu diidanaa arrinkaas maxaabiista, laakiin wuxuu hadda arkay inay godka Kilo biyo ugu soo galeen oo uu kursigiisu halis ku jiro. Ujeedka go’aankan ayaa ah inuu isku diro Axmaarada iyo Aratariya oo hadda uu ka dhexeeyo xidhiidh iyo wadashaqayn wanaagsan.
Dhanka Tigreega, wararkii ugu danbeeyey ee Daljir helaysaa waxay sheegayaan in Abiy uu damacsanyahay in uu Galbeedka Tigreega ku wareejiyo Maamulka Tigreega, arrinkaas oo ah qayb heshiiskii Koonfur African (Pretoria Peace Agreement 2022). Su’aasha ayaa se ah sida ay suurtagal ku tahay in Axmaarada oo guulaystay ay aqbasho inay dhulkaa ku wareejiso Tigreega.
Waxaa muuqata in ujeedka Abiy yahay inuu iskudiro Axmaarada iyo Aratariya, iyo waliba Tigreega iyo Axmaarada, sidaana uu ku ilaashado kursigiisa.
Dhanka Deegaanka Soomaalida, Ururka ONLF ayaa qoraal uu soo saaray maanta ku sheegay inay dowladda Itoobiya iyo Shirkadda Poly-GCL oo Shiinaha laga leeyahay ay damacsanyihiin inay dhacaan khayraadka Soomaaliyeed, iyagoo iska indhotiraya xuquuqda shacabka. Waxaa qoraalka lagu yidhi, “Xaq la’aan, shidaal ma jiro,” oo ka dhigan in aan shidaal warki jirin illaa iyo inta laga heshiinayo oo xal laga gaadhayo dhibaatooyinka keenay colaadda deegaanka oo uu kamid yahay arrinka kheyraadku.
Qoraalka Ururka ONLF ayaa walaac iyo cabsi wayn ku abuuray Bulshada Caalamka ayagoo u arka inay Itoobiya ku fashilantay fulinta heshiisyadii ay la gashay Ururada Soomaalida (ONLF Asmara Peace Agreement 2018) iyo Tigreega (TPLF Pretoria Peace Agreement 2022).
Deegaanka Soomaalida ayaa ah dhuunta ama meesha kaliya ee Itoobiya wax u soo maraan ama ay ka dhoofiso, wuxuuna isku xidhaa Itoobiya iyo saddexda waddan ee kala ah Kenya, Soomaaliya & Jabuuti. Sidaa darteed iskudhac Otoobiya iyo ONLF wuxuu keeni karaa inay Itoobiya gasho go’doon iyo qalalaase dhaqaale iyo waliba mid ganacsi.
Qorshaha kursi ilaaliska Abiye Axmed kuma eka iskudirka qowmiyadaha oo kaliya, ee waxa uu weli dhexda uga jiraa qorshihiisii kale ee ku sheegay, “Waxaan gaarayaa Badda Cas oo saldhig ciidan badda ku yeelanayaa.” Maalmo kahor waxa uu heshiis la saxiixday Ruushka si uu ugu tababaro ciidan badda, horeyna waxa uu heshiis kula jiray Faransiiska oo la sheegay in uuba u diyaariyey maraakiibtii iyo ciidamadii badda. Qorshaha Badda Cas ee Abiy ayaa ku kala wajahan dekedaha Cassab, Araterita, iyo Saylac, Soomaaliya, asaga oo hadda isku diyaarinaya dagaal labadaas dekedood midkood, loona badinayo tan Casab ee Arateriya oo Abiy hadda ciidan xoog leh soo dhoobay jiida Canfarta ee ku wajahan dhanka Casab.
> Daljir Media
COMMENTS