Xaalka Dhaqaale ee Reer Galbeedka oo Galbaday: Mareykanka iyo Yurub oo Dib-u-dhaca Dagaal ka Xiga
Sannadihii 1940 illaa 1970, magaalada Mareykanka ee Detroit ee loo aqoonjiray ‘The Motor City (Magaaladii Matoorka)’ ahaydna magaalada adduunka ugu waxsoosaarka badan dhanka gaadiidka, oo aysan jiri jirin xataa magaalo la barbardhigo maanta waa haawaneysaa. Warshadihii gaadiidkuna waxay noqdeen kuwo albaabada la isugu dhufto, kuwo wiiqma, iyo kuwo dalal kale u guura. Magaaladii Detroit waxay noqotay magaalooyinka ugu ammaan xun, uguna faqrisan Mareykanka. Gurigii weynaa ee awal milyan USD joogi jiray maanta waa laga guuray oo waa haawanayaa.
Detroit kaliya ma aha magaalooyinka musalifay ee Mareykanka. Waa kuwaan shanta magaalo ee Mareykanka oo awal ahaa xarunta warshadaha dalka maantana wada haawanaya:
1. Detroit, Michigan
2. Youngstown, Ohio
3. Flint, Michigan
4. Pittsburgh, Pennsylvania
5. Buffalo, New York
Haddii Mareykan halkaas marayo, maxaad ka filan kartaa Yurub oo ahayd garabka midig ee Imbaayarka wiiqmay ee Ameerika? Waa waxba.
Jarmalku wuxuu si fiican u galbaday markii uu bilaabay dagaalka Ukraine oo ay diideen shidaalkii raqiiska ahaa ee Ruushka, una wareegeen shidaalka qaaliga ah ee Mareykanka. Kaagaba daran e, kii Ruusha ayey suuqa madow ka gataan oo waxaa dullaala Hindiya, waxayna ku gataan labajibaar wax ka badan intii ay hore uga gadan jireen Ruushka.
Magaalooyinka Jarmalka ee dhawaan musalifay waxaa kamid ah Ludwigshafen, ahna meesha ay ku taal warshadda kiimikada BASF, ahna tan ugu weyn adduunka. Markii qiimaha shidaalku is keeni waayey waxaa albaabada la isugu dhuftay qaybo badan oo warshadda ah, waxaana la filayaa in ay dhawaan u guuraan meel kale oo leh shidaal raqiis ah.
Ingiriiska warkiisaba daa oo dhan kasta waa ka burburay, haba ugu darnaadeen Waqooyi Bari England, South Wales, Glasgow, iyo Midlands. Xataa hal warshad oo birta sancaysaa kuma harin Ingiriiska (hoos arag iyo maqaalkii hore ee Daljir). Dal aan lahayn warshad birta sanceysa waa dal aan hormar gaari karin.
Haddii aadan awal aqoon u lahayn tariifada ama canshuurta cusub ee Mareykanku ku soo rogay adduunka, hadda waxaad fahamtaa in ay tahay isku deygii ugu dambeeyey ee Mareykanku isku dayayo in uu dib u soo nooleeyo warshadihii horay u burburay. Laakiin Trump weli jawaab uma hayo taknoolajiyadda casriga ah iyo sida Shiinuhu uga hormaray Mareykanka dhan walba. Say u egtahay, ‘sidee la iiga hormari karaa’ dagaal ma fursan doonto.
Hoggaanka Soomaalidu ma inuu sii wadaa gacan-hoorsiga waddamo toodii la liita oo maanta raadinaya khayraad ay boobaan, mise inta goorigoor tahay in Soomaali heshiiso, oo talo loo dhanyahay la isugu yimaado? Haddii aan la tashan oo la midoobin 50 sano kabacdi saadaali xaalka Soomaaliya iyo xaalka wiilka 20 jirka ah ee Soomaaliyeed oo aan xasuusan waxa Soomaali isku hayn jirtay, laakiin arka oo la tacaalaya dhaxalka looga tagay.
FG: Sawirada hoose waa warshadihii Mareykanka ee xirmay, kuwa danbena waa warshaddii BASF ee Jarmalka qaybihii ayana dhawaan xirmay.
> Daljir Media
COMMENTS