Xaalka Trump & kan Mareykanka oo meel xun ka deganaya faylashii carruur-kufsiga ee Epstein dartood

Xaalka Trump & kan Mareykanka oo meel xun ka deganaya faylashii carruur-kufsiga ee Epstein dartood

Xaalka Trump & kan Mareykanka oo meel xun ka deganaya faylashii carruur-kufsiga ee Epstein dartood

Trump ma sii ahaan doonaa Madaxweynaha Mareykanka, mise wuxuu bilaabi doonaa duullaan Venezuela si uu u khalkhaliyo baaritaanada faylashii Epstein?

Waxaa soo ifbaxaya emailo waxa ku qoran aynaan halkan ku sharrixi karin oo ay kamidyihiin xaajo galmo oo foolxun oo dhexmartay Trump iyo madaxweynihii hore ee Mareykanka Clinton oo neynaastiisu ahayd Bubba (arag sawirka emailka). Waxaa se ka sii daran in Epstein uu sheegay in Putin, Madaxweynaha Ruushka, uu hayo muuqaalka isutagga labada nin.

Waxaa kale oo soo ifbaxaya emailo ku saabsan carruur yaryar oo loo keenay Trump iyo madax kale ee dalka Mareykanka. Waxaas oo xaajooyin kala daran baa waxaa la isla dhexmarayaa in ay ka danbeeyeen sirdoonka Israal ee loo yaqaan MOSAD si ay u rikaateeyaan madaxda Mareykanka.

Trump oo hadda ay ku adkaatay in uu warbaahinta horyimaado ayaa daqiiqad kasta la filayaa in uu dagaal ku qaado Venezuela si uu isugu dayo in uu dareenka shacabka meel kale u leexiyo. Waxaa kale oo socda, sida warbaahinta qaar warinayaan, qorshe cusub oo Israa’iil wadato kaas oo ah in Trump u saxiixo Israa’iil heshiis soconaya 20 sano oo lacag iyo difaac la isugu darayo, iyo waliba saldhig cusub oo Mareykanku ka samaysto Qasa iyo Dimishiq, saldhigyadaas oo Israa’iil awood u siinaya in ay ayana la isticmaalaan Mareykanka.

Taariikhda markii ugu horraysay ayaa shacabka Mareykanku si aan la qiyaasi karin waxay uga soo horjeesteen xiriirka Mareykanka iyo Israa’iil ayada oo shacabku dalbanayaan in la joojiyo maaliyadda iyo hubka joogtada ah ee Mareykanku siiyo Israa’iil, ayna u isticmaasho xas^uuqa Qasa iyo kan Daanta Galbeed.

Waxaa kale oo waayahaan socday qorshe Trump xilka loogu darayo afar sano oo kale oo daqiiqado kahor Trump soo dhigay bartiisa ‘Truth Social’ asaga oo leh waa inoo afar sano oo kale iyo sannadka 2028.

Intaas waxaa sii dheer qorshaha Netanyahu oo ah in uu markale ku duulo Iran, asaga oo markana si toos ah u wata Mareykanka. Qorshahaas oo shacabka Mareykanku aad hadda u fahmeen waa ay ka soo horjeesteen, waxay Trump ku eedeeyeen in uusan ahayn nin Mareykanka dan ka leh ee uu yahay nin u adeega danta Israal.

Lama qiyaasi karo jihada siyaasadda Mareykanku abbaari doonto, laakiin Daljir isha ku hay oo kala soco wararkii ugu danbeeyey ee xaalka Mareykanka iyo duulaanka la filayo ee Venezuela.

> Daljir Media

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com