Ururka Xamaas ayaa Israa’iil ku eedeynaya in ay jabiyeen heshiiskii xabbad-joojinta sababaha soo socda dartood:
1. Waxaa Gaza soo galay 8,500 gaari oo caawimo meeshii la rabay 12,000 oo gaari
2. Waxaa la helay 15 gaari oo shidaal ah meeshii lagu heshiiyey 50 gaari
3. Guryaha la furfuro ee hoyga degdegga midh lagama helin meeshii heshiisku ahaa 60,000 oo guri
4. Teendhooyinkii lagu heshiiyey ee ahaa 200,000 waxaa la helay 20,000 oo kaliya
Xamaas ayaa tiri, sidaas darteed Israa’iil waxa ay jabisay heshiiskii la wada gaaray.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa asna ku goodiyey haddii Xamaas soo deyn weydo maxaabiista Israa’iil meesha Sabti 12ka duhurnimo la gaaro balo ha isqabsato cir iyo dhul oo Israa’iil haba jabiso xabbad-joojinta.
> Daljir Media
COMMENTS