Waxaa saaka degan xaalada Xabsiga dhexe ee magalada Boosaaso ,kadib markii shalay ay ku dagaalameen halkaasi ciidamo gadoodsan oo ka tirsan kuwa asluubta ee Xabsiga gacanta ku hayay iyo ciidamadii ay dowladda u soo dirtay Xabsiga
Xabsigan ayaa waxa haatan gacanta ku haya ciidamada PSF ee sida gaarka utaba baran oo ay maal galiso dowladda Maraykanka.
Dagaalkii shalay ku dhexmaray Xabsiga dhexe ee Bosaaso labada ciidan ayaa waxaa ku geeriyooday Saddex ruux oo uu mid ka mid ah uu ahaa Maxabiista Xabsiga ku xirneyd, waxaana xabsiga la dhigay ciidamadii horay gacanta ugu hayay Xabsiga ee gadoodka sameeyay.
Dhacdadan ayaa ku soo aaday xili uu Madaxweynaha Puntland Cabduweli Gaas uu wali ku sugan yahay Magalada Boosaaso.
Diiwaanka warkan radio Daljir .
COMMENTS