Xafiiska Beeraha Tuli Guuleed oo ku hawlan kahortagga waraarada roobabka ka jeexma

Xafiiska Beeraha Tuli Guuleed oo ku hawlan kahortagga waraarada roobabka ka jeexma

Maamulka xafiiska beeraha degmada Tuli Guuleed ee gobolka FAAFAN iyo xubno ka kala socda todobada qabale (degmo) ee hoosyimaada santarka Tuli ayaa waxa ay duleedka magaalada Tuli Guuleed ka fuliyeen qorshe cusub oo lagaga hortagayo waraarada ka dillaaca jidadka xiliyada roobka, iyo waliba kahortagga nabaadguurka ku imaan kara deegaan beereedka Tuli Guuleed.

Tuliguuleed ayaa magaalo madaxda Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS) ee Jigjiga u jirta 30 KM, dhanka galbeedkana waxaa ka xiga Jinacsani oo kal hore Oramadu kala wareegeen Soomaalida, waana magaalo beeraley ah, kana mid ah magalooyinka ugu waxsoosaarka badan DDS. Laakiin Tuli Guuleed waxaa dhowrkii sano ee ugu danbeeyey weerar ku ahaa maleeshiyaadka Oramada, ayada oo dad badan ku naf waayeen, kuwo badanna laga qaxiyey badanaa qabalada ama degmooyinka hoostaga Tuliguuleed.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Jigjiga

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com