Xaflad arroos oo duqayn loo gaystay ay ku geeriyoodeen afartan qof

Xaflad arroos oo duqayn loo gaystay ay ku geeriyoodeen afartan qof

Ku dhowaad afartan qof ayaa lagu dilay, halka dhowr qof oo kallena lagu dhaawacay duqaymo xagga cirka ah oo lagu qaaday xaflad aroos ay ka socotay koonfur galbeed Libya, sida warbaahinata ay soo tabinayso.

Wararka ayaa sheegaya xooggaga  daacadda u ah ninka awoodda badan ee Khalifa Haftar inay qaadeen duqayntan maalinimadii Axaddii ee magaalada Murzuq.

Warbaahinta ayaa ogaatay dhamaan dadka wax ku noqday bartilmaameedkaasi inay ahaayeen dad xafladda arooska u mashxaradayay.

Ku dhowaad kun iyo boqol qof ayaa lagu dilay howlgalada Genaraalka Haftar ee saldhigiisu yahay bariga Libya, tan iyo markii uu qaaday duulaanka ka dhanka ah magaalada Tripoli 4tii April.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com