Xasan Sheekh oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb

Xasan Sheekh oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb

Waxaa Maanta Magaalada dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug gaaray oo siweyn loogu soo dhaweeyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka tegay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay oo maalmihii la soo dhaafay uu ku sugnaa.

Wafdiga Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) Xubno kale oo kamid ah Maamulka galmudug, Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan dowladda Federaalka & qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo kala gooni gooni la yeelan doona Madaxda Sare ee dowlad Goboleedka Galmudug, Saraakiisha Ciidamada Qalabka sida iyo Odayaasha Dhaqanka Magaalada.

Safarkaan uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku tegay maanta Magaalada dhuusamareeb ayaa waxaa uu qeyb ka yahay booqashada uu Madaxweynaha ku tegayo qaar kamid ah Gobolada dalka, isaga oo u kuurgalaya xaaladaha dhanka nolosha ah ee kajira.

Diwaanka Wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com