Xasan Sheekh oo ka digay faragelin lagu duminayo Aqalka Sare iyo in la iska horkeeno

Xasan Sheekh oo ka digay faragelin lagu duminayo Aqalka Sare iyo in la iska horkeeno

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Madasha Xisbiyada Qaran ayaa ugu baaqay Madaxweyne Farmaajo inuu furo albaabka siyaasadda, si uu u qaato doorkiisa ku aadan isku keenida dhinacyada ku kala aragti duwan siyaasadda, si looga wada tashto xaalada dalka.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in su’aal ay ka taagan tahay in doorasho dhaceyso iyo in aanay dhaceyn iyo in aan jawaabo loo heyn maalinta ay dhaceyso, cida maamuleysa iyo nooca ay doorashada u taal.

“Doorasho ma dhacee mise ma dhaceyso ayaa su’aasha ka taagan tahay, see u taallaa yaa maamulaya, intee ka dhacee waxaas oo dhan waa su’aalo aan jawaab loo heyn lana gaarin, maxaa yeelay albaabka ma furna, Madaxweyne albaabka fur, adaa reerka odayga u ah, isku jiri, haddaa isku jiri weydo oo doorkaaga dastuuriga aad leedahay qaadan weydo, Soomaaliya iyo dadka kale ee siyaasiyiinta ah meel inta gacanta la iska saarto la fariisan maayo, shaqo la qabanaa waa la ordaa wadada saxda hala aado ama waddo lagu habaabayo hala aado, laakiin lama farisanaayo, dadku fadhin maayo”ayuu yiri Xasan Sheekh.

Waxaa uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo inta ka dhiman waajibaadkiisa uu yahay xor, balse maalinta ay ka dhamaato, haddii uusan diyaarin wax fiican oo dhaxalka uu ka tagayo ka turjumaya ay dadka ka tashan doonaan sida uu yiri.

Xasan Sheekh ayaa ka digay in Aqalka Sare la dumiyo oo la dhex galo, lana iska horkeeno, isagoo boggaadiyay hadalkii Guddoomiyaha Aqalka Sare oo uu ku tilmaamay inuu ahaa tallaabo weyn oo dhinacda saxda loo qaaday.

“Annaga siyaasiyiin jooga oo waayo aragnimo lleh oo faham leh ayaa nahay, ma rabno inuu dalkaan dib u laabto, go’aanka Guddoomiyaha Aqalka Sare waa tallaabo weyn oo dhinaca saxda loo qaaday, sidii aan naqiinay waxaa ka digeynaa in aqalka in la dhex galo oo la is qabadsiiyo la iskana horkeeno, sida uu ku dumi lahaa laga shaqeeyo, waqtigeeda lama joogo, Xukuumadda iyo Madaxweynaha hey’adaha sharci dejinta haka dhex baxaan yaanay ku dhex rafan, yaana balaayada ka shaqeyn farahooda iyo raadkooda iyo saantooda yaa lagu dhex arkin, qadiyada doorashada meesha ay Aqalka Sare ka istaageen waa ku amaaneenaa, Guddoomiyaha Aqalka Sare waa oday Soomaaliyeed, garab istaagid ayuu mudan yahay madasha waa ku garab taagan tahay mowqifkaas”ayuu yiri Xasan Sheekh.

Mar uu ka hadlayay arrinta qadiyadda Badda ayuu xusay inuu dayac ka jiro, isla markaana saddex jeer ay Maxkamaddu yeeshay sida ay Kenya rabto, isla markaana walwal badan ay ka qabaan sida wax u socdaan.

“Arrinta Badda Dayac ayaa ka jira mar walbana sida Kenya ay rabto ayey Maxkamaddu yeeshaa sababtana ma naqaano, Madaxweyne dadka la hadal arrintu waa qaddiyad Madaxweyne, Walwalka aniga iyo dadka Soomaaliyeed aan qabno waa war la’aanta iyo dadkii kiiska ku jiray oo la baddalay iyo dadkii lagu baddalayna aan la ogeyn”ayuu yiri Xasan Sheekh.

Shirka jaraa’id ee ay xalay qabteen Madaxweynayaashii hore ayaa yimid, kaddib markii ay la kulmeen Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Kuxigeenkiisa, kuwaasoo farriin ka siday Madaxweyne Farmaajo oo ahaa inuu la kulmo Madaxweynayaashii hore, hase ahaatee ay ka caga-jiideen, iyagoo ku andacooday in horay Madaxweynaha ula kulmeen, balan ay meel dhigteen, welina uusan ka soo bixin.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com