Xasan Sheekh oo sheegay in ciidamo ka tirsan dowladda ay weeraar ku soo qaadeen hoygiisa

Xasan Sheekh oo sheegay in ciidamo ka tirsan dowladda ay weeraar ku soo qaadeen hoygiisa

Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud ayaa si kulul uga hadlay weerar galabta ay hoygiisa kusoo qaadeen ciidamo ka amar qaata Farmaajo.

Madaxweyne Hassan Sheikh ayaa nasiib darro weyn ku tilmaamay wixii dhowr jeer horey looga digay in uu weli Farmaajo ku dhiiran yahay, isagoo mar kale ka digay khatarta ay leedahay siyaasadeynta ammaanka.

“Waxa nasiib darro weyn ah in ciidan ka amar qaata madaxweynihii hore ay weerar ku soo qaadaan hoygeyga, waxaana horay ugu digay kuna celinayaa khatarta ay leedahay siyaasadeynta ammaanka, mas’uuliyadda dhibaatada ka dhalata arrinkan waxaa qaadaya Farmaajo,” ayuu yiri Madaxweyne Xassan Sheekh Mahamuud.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in la iska difaacay ciidanka weerarka ku soo qaaday hoygiisa iyo weerar kasta oo Farmaajo ku dhiirado ayna tahay nasiibdarro weyn waxa uu maanta Farmaajo ku dhiiranayo.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com