Xasan sheekh oo sheegay in madaxda dalka raali aysan ka ahayn doorasho ka dhacda Somaaliya

Xasan sheekh oo sheegay in madaxda dalka raali aysan ka ahayn doorasho ka dhacda Somaaliya

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay arrimaah la xiriira doorashada Somaaliya, isaga oo madaxda dowladda ku eedeeyay inaysan daacad ka aheyn qabsoomida doorasho dhacda.

Waxaa uu sheegay in dowladnimada hadda jirta ay tahay mid so martay marxalado kala duwan oo ay kasoo Shaqeeyaan madax kala duwan, isla markaana waqti badan ay geliyeen.

Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu sheegay in uu aaminsan yahay in hadii daacad laga noqdo doorashada Soomaaliya waqtigeeda laga soo hormarin karo, isaga oo ku baaqay in lag Shaqeeyo qabsoomida doorasho loo dhan yahay.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa labadii sano ee la soo dhaafay waxaa uu aad u dhaliiyay siyaasadda Madaxda Dowladda Federaalka, iyada oo ay dowladda dhankeeda qaaday tallaabo ka dhan ahaa.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com