Xasan Sheekh oo Warsaxafadeed ka soo saaray hubkii Caabudwaaq lagu qabtay

Xasan Sheekh oo Warsaxafadeed ka soo saaray hubkii Caabudwaaq lagu qabtay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay kulan aan caadi ahayn oo uu yeeshay Golaha Amniga Qaranka maanta oo ay Taariikhdu tahay 18-ka Luulyo 2024.

Kulanka ayaa qodobaddii looga hadlay waxaa ka mid ah dhacdadii hubka sharci darada ahaa ee sida dhumaaleysiga ah lagu soo galiyey deegaano ka mid ah Dowlad Goboleedka Galmudug. Intii uu socday shirka, waxaa warbixinno laga dhageystay hay’adaha amniga iyo La-Taliyaha Amniga Qaranka oo ku aaddan dhacdadan iyadoo Goluhu uu isku raacay go’aamadan;

1.Goluhu wuxuu adkeeyay in Waaxda Kormeerka Hubka iyo Rasaasta (CMD) ee Xafiiska Amniga Qaranka oo hore ugu soo baxday (Digreetada Madaxweyne.142) ay sii waddo isla markaasna ay xoojiso korjoogteynta iyo la socodka maaraynta hubka iyo rasaasta.

2.Wasaaradda Amniga Gudaha waxaa la faray in ay soo gudbiso warbixin faahfaahsan iyo talooyin ku aaddan dhacdada hubka sharci darada ah ee dhuumaaleysiga lagu soo galiyey dalka, lagulana xisaabtamo cidda ka dambeysa, isla markaana laga hortago dhacdooyinka noocan ah inay dhacaan mustaqbalka.

3.Goluhu wuxuu isku raacay dhameystirka siyaasadda Qaran ee Iibka Hubka, degdegna loo horgeeyo Golaha Wasiiradda.
4.Goluhu wuxuu sidoo kale isku raacay mamnuucidda iibinta iyo ka ganacsiga hubka.
5.Wasaaradda Caddaaladda iyo hay’adaha fulinta sharciga waxaa lagu adkeeyey in si degdeg ah maxkamad loo soo taago dhammaan dadka ku lugta leh hawshan sharci-darrada ah.

Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyay muhiimadda weyn ee ay leedahay in si adag loo hirgeliyo shuruucda Xakameynta Hubka iyo Rasaasta. Wuxuu adkeeyay in guusha laga gaaray qaadista cunaqabateynta hubka ay aasaas u tahay hirgelinta siyaasadda dowladda ee Xakameynta Hubka.

Kulanka waxaa ka soo qeybgalay R/wasaaraha Xukumadda Mudane Xamza Cabdi Barre, R/wasaare ku xigeenka Saalax Axmed Jaamac, Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka Xassan Macalin Maxamuud, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Cali Yuusuf Cali (Cali Xoosh), Wasiirka Gashaandhigga Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka Maaliyadda Biixi Iimaan Cige, Wasiiru Dowlaha Amniga Gudaha Maxamed Cali Xagaa, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Ibraahim Sheekh Muxyadiin, Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sulub Axmed Firin, Taliyaha Ciidanka Asluubta Mahad Cabdiraxmaan, La-Taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Macalin iyo Agaasimaha Madaxtooyada JFS Cabdixakiim Maxamed Yuusuf.

-Dhammad-

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com